Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay xariggii C/raxmaan C/shakuur (Akhriso)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow war ka soo saartay xariggii iyo howl galkii xalay lagu qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay ugu dhaceen gurigiisa, kuna soo xireen.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa lagu sheegay in hey’adaha amniga iyo xeer ilaalinta ay maalmahan wadeen baaris dambiyo lagu tuhunsan yahay muwaadiniin, kaasoo ku aadan falal dambiyeed qiyaano qaran, khal khal gelin iyo bur burin.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim ayaa saxaafada u akhriyay war saxaafadeedka, ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu si cad uga horyimid ruqsadii loo heystay in la soo xiro, isla markaana ciidankiisa ilaalada u ahaa ay bilaabeen rasaasta, ayna ciidankiisa la galeen dagaal ciidamada amniga.

Waxaa uu sheegay in isagoo bad qaba C/raxmaan C/shakuur ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen, sidoo kale ay hey’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aamisan yahay inay ka qeyb weyn ka qaadan doonto baaritaanka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in tallaabadan ay u mareen Ciidamada amniga si waafaqsan sharciga, isla markaana Maxkamad la horkeeni doono Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga oo isna ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in C/Raxmaan iyo Ragga la midka ah ay jebiyeen amarkii Wasaaradda ay soo saartay ee ahaa in Guri ama Hotel aan lagu qaban karin shir aanay wasaaraddu ka warqabin.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo isna ka hadlay goobta ayaa isna sheegay in Madax kale ay ku xigi doonaan howlgalkan xalay dhacay,waxaana uu sheegay in dambiilayaasha lala xisaabtamayo.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.