Ogoow Sababta Labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Loo Eedeeya+ Xog Xasaasiya

0

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmad Cali Daahir ayaa Shir Jaraaid oo uu Maanta ku qabtay Muqdisho ku eedeeyay Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye inay Lacago ka soo qaateen Dalal Shisheeye, isagoona dalbaday in laga qaado Xasaanadda si loo Maxkamadeeyo.

Haddaba maxay tahay Sababta Labadan Xildhibaan loo eedeeyay,?

HornAfrik waxay dabagal ku samaysay sababta Labadan Xildhibaan oo aan laga maqlin Warbaahin, iyagoo dhaliilaya Xukuumadda loo eedeeyay, isla markaana aan loo soo hadal qaadin Xildhibaanaddii dhaliili jiray Siyaasadda Dowladda, Waxayna ogaatay dhow arrimood oo kala ah

Waxaa jiray Wadahadal u dhaxeeyay Madaxwayne Farmaajo iyo Xisbiga Daljir oo ay Labadan Xildhibaan ka tirsan yihiin, si loo joojiyo Mooshinka ka dhanka ah Madaxwaynaha, waxaana muuqanaysay isi soo dhowaansho iyo isu garaabid.

Wadahalkaasi Madaxwaynaha iyo Daljir u dhaxeeyay waxa uu shaki galiyay Raiisulwasaare Khayre iyo Agaasimaha Madaxtooyadda, Fahad Yaasiin oo u arkay in is fahamka Daljir iyo Madaxwaynaha ay keeni karto inay iyagu meesha ka baxaan, Waxayna is tusiyeen haddii Khayre meesha ka baxo, Isla markaana Daljir lagula heshiiyo inay keensato Raiisulwasaare ay inay la yimaadaan Xasan Macalin iyo Saabir Shuuriye oo aan laga maqlin Warbaahinta,  suuragalna ay tahay in midkood noqdo Raiisulwasaaraha xiga Khayre marka uu baxo, si marka loo sumcad dillo waxay Khayre iyo Fahad u yeereen Axmad Cali Daahir, kuna wargaliyeen inaan Xilka laga qaadayn, iyagoona u sheegay in Madaxwaynaha uu soo faray inuu qabto Shir Jaraaid oo uu eedeeyo Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Saabir Shuuriye.

Axmad Cali Daahir oo ka cabsi qabay in la badalo waxa uu isagoo aan iska hubin in Madaxwaynuhu uu arrintan wax ka ogyahay iyo in kale uu qabtay Shir Jaraaid oo uu si Indha La’aan ah ugu eedeeyay Xildhibaano leh Xasaano, isagoo waliba ku eedeeyay inay Dalal kale ka soo qaateen Laaluush, taasoo ah Magac dil iyo Dambi lagu maxkamadayn karo Xeer Illaaliyaha Guud haddii uusan keenin cadaymo arrintaasi la xiriira.

Maxaa ka dhalan kara Hadalka Xeer Illaaliyaha Guud,?

Hadalka Xeer Illaaliyaha Guud waxay aaminsan yihiin Dadka Falanqeeya Siyaasadda inay ka dhalan karto inay meel uga soo wadajeestaan Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha dhamaan Xildhibaanadda Baarlamaanka oo qaarkood ay hadda ku aragti yihiin Madaxda Sare, iyadoona tani ay keenayso inuu soo dag dago Mooshinka laga keenay Madaxda Qaranka.

Xildhibaanadda oo ay lama taabtaan u tahay Kuraastoodu, horayna si aqlabiyad leh u laalay Dacwad ay Maxkamadda Sare ka keentay Kuraasta Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxay hadda difaacan doonaan Kuraastooda oo haddii ay sidan aqbalaan ay dhici karto in Maalinba mid la dalbado in Xasaanadda laga qaado, kadibna lagu badalo qof la wato.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.