Mukhtaar Roobow oo Abaabul Dagaal kana dhan ah Al Shabaab ka wada G/Bakool

0

Waxaa Gobolka Bokool ka soconaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada Al-shabaab,kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Mukhtaar Roobow Abuumansuur oo shalay gelinkii dambe gaarey magaalada Xudur ee Xaraunta Gobolka Bokool ayaa kulamo la qaadanaya mas’uuliyiin iyo saraakiil,kuwaasi oo looga hadlayo xoojinta abaabulada dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheena Gobolkaasi waxaa la dareemayaa abaabul dagaal oo xoogan oo ka dhan ah Shabaab,waxaana barbar socda wada tashiyo ku aadan sidii looga wada qeyb qaadan lahaa in cadowga laga xoreeyo deegaanadaasi.

Majiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Abuumansuur iyo mas’uuliyiinta kale ee K/Galbeed.

HornAfrik ayaa ogaatay in Abaabulka Dagaal oo uu hogaaminayo Abuumansuur oo Shalay ku laabtay Gobalka uu qorshaynayo inuu uga saaro Deegaanadda ku xeeran Abal Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab, isagoona laga yaabo in Dagaalkan ay ku gacan siiyaan Ciidamadda Itoobiya.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ay Alshabaab la galaan Xoogaga taabacsan Abuumansuur waxay ku dileen illaa iyo 20 Maleeshiyaad ah, halka dhinacoodana laga dilay wiil uu dhalay Muqtaar Rooboow iyo Taliyihii Ciidamadiisa.

Magaalada Xudur iyo nawaaxiga deegaanka Abal,waxaa kusugan ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuumansuur,kuwaasi oo la sheegay in loo abaabulayo ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.