Maxay ka yiraahdeen Siyaasiyiinta iyo Xildhibaaanaddu Hadalka Xeer Illaaliyaha Guud,?

0

C/raxmaan C/shakuur oo u muuqda inuu yahay Hogaamiyaha ugu saamaynta badan Siyaasiyiinta Fikirka ku diidan Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa ku soo qoray Boggiisa Facebook sidan :-

Dagaalkii sokeeye ka dib labo tiir ayey Soomaalidu ku heshiisay Federaal iyo Dastuur Dimoqoraadi ah. Maalmo ka hor waxaa lagu soo duulay Federaalka oo la damcay in la dumiyo, waase la difaacay. Tani waa isku daygii labaad oo tiirkii Dimoqoraadiayada in la dumiyo la rabo. Xildhibaanka Ha la ceejiyo, Xasaanada ha laga qaado waa duulaan niyad jab ka muuqdo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ah Mudane afkaar kulul marka laga hadlayo Siyaasadda Dowladda ayaa qaba isna sidan:-

CAJIIB! Ma Madaxweyne mise…!!!

Mudane Madaxweyne Xildhibaan in xasaano laga qaado, lana dacweeyo wado sharci oo loo maro iyo ogolaansho Barlamaan ayay u baahantahay ee garsoorka hanaga danbaajin!

Waxa aad ka qubaneyso haday tahay mooshinka lagaa qorayana xeer ilaalin kaama joojin karto ee Xildhibaanada ha isku sii caraadin. Hadii ujeedku ahaa indhaha Umadda Soomaaliyeed kasii jeedi Ciidamada aad qabiilka ku sheegtay ee aad kala dirtayna kow kaamaanan dhihin, waadna ku fashilantay hugaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee aan ku duceynee xilkii umaddu kugu aamintay usoo celi si ay u doortaan mid ka shaqeeya danta dalka, dadka iyo diinta.

Midna ogow mudane Madaxweyne, annagu waxaan u dhaaranay dalka, dadka iyo diinta inta naftu nagu jirtana cidna uga haybeysan meyno difaacooda ee waqti yuusan kaaga dhumin caay, caga jugleyn iyo kicinta ciifo qabiil!

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi oo saamayn ku lahaa soo bixistii Madaxwayne Farmaajo ee 8 February ayaa ku daabacay Bartiisa Facebook sidan:-

Warka ka soo baxey xeer ilaaliyaha aan sharciga ku magacowneyn Axmed Cali Daahir maanta, wuxuu la mid yahay kii madaxda dalka iyo wadaado dawladda ka agdhow maalmihii la soo dhaafay oo idil ay uga hadlayeen siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxda dalka.

Shalay waxey aheyd Fatwo wadaad, maantana Fariin gef ah oo garsoorkii dalka loo adeegsanayo.

Arrintani guud ahaan waxey muujinaysaa caqliyada hooseysa ee madaxda dalku ay rabaan in ay ku caburiyaan xildhibaanda & siyaasiyiinta aragtida xorta ah xambaarsan ee u istaagay badbaadinta dalka.

Axmed Cali Daahir oo ku magacaaban xeer ilaaliyaha qaranka,si uu sharci u noqdo waxey ahayd in golaha shacabku ansixiyo, lamana horkeenin illaa iyo hadda, warka uu soo saaray maantana wuxuu ku magac dilayaa madaxbanaaninada garsoorka, waana gef xildhibaannada qaranka loogu gefayo.

Madaxda dalku waxey garsoorka dalka u heystaan maxkamaddii badbaadada, weli kama dhaadhicin in dalka dawlad yahay federaal, ayna dawlad madaniya oo dimuqraadi ah ay ka taliso.

Waxaan dhaleeceyneynaa falka eexda iyo gefku uu ka muuqdo ee xeer ilaaliyuhu uu ku kacay maanta, waxaana ka danbeyn doona jawaab sharciga ku qotanta.

Soomaaliya ha noolaato..

Hadalka Xeer Illaaliyaha Guud ayeey muuqataa inay ka dhalan karto Buuq Siyaasadeed, saamayn ku yeesha Hanaanka Dowliga ah ee Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.