Maxaabiis Uu Ka Mid Yahay Wariye Boqorka Bartamaha Oo Soo Gaaray Muqdisho

0

Magalada Muqdisho waxaa  timid diyaarad siday Maxaabiis Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Wariye Mxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaano Boqorka Bartamaha.

Bahda Saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo ehelada Aweys Muudey oo si dareen farxad leh ugu soo dhaweeyay Garoonka.

 Diyaaradaan ayaa Maxaabiista ka soo qaaday dalka Kenya,balse waxa laga soo daayay Xabsi ku yaalla dalka Itoobiya.

 

Maxaabiistan ayaa waxaa ka mid ah Wariye Boqorka Bartamaha oo mudo Afar Sano ah ku xirnaa mid ka mid ah Xabsiyada ku yaalla dalka Itoobiya balse dadaal ay sameysay dowladda Federaalka lagu soo daayay.

Wariyaha oo Warbaahinta hadal kooban ku siiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalkiisa hooyo uu yimaado isaga oo nabadqaba.

HornAfrik ayaa ogaatay in Wariye Boqorka Bartamaha uu Xabsiga lagu xukumay soo dhamaystay, kadibna loo soo masaafuriyay Dalkiisa Somalia.

22 kii Bishii July ee Sanadkaan ayaa sidoo kale dalka Itoobiya waxaa laga keenay 114 Maxbuus oo Soomaali ah kuwaas oo lagu soo daayay dadaal ay sameysay dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.