Dowladda Somalia oo billowday Qorshe ay ku doonayso inay ku xirto Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka aragti duwan+Akhriso Liis laga soo qoray Xafiiska Raiisulwasaaraha

0

Dowladda Somalia ayaa markii ugu horaysay billowday inay isku daydo Caburinta Aragtidda Siyaasiyiinta ka fikirka duwan, iyadoona adeegsanaysa Garsoorka Dalka.

Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmad Cali Daahir oo ah Awoodda loo adeegsanayo in lagu caburiyo Siyaasiyiinta ka fikirka duwan Dowladda ayaa Shir Jaraaid oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay inay ka dalbadeen Baarlamaanka Somalia inay xasaanada kala noqoto Xildhibaanadda kala ah Xasan Macalin iyo Cabdi Saabir Shuuriye, kuwaasoo uu sheegay inay doonayaan inay xiraan.

Axmad Cali Daahir waxa uu ku eedeeyay Xildhibaanadan inay Dhaqaale uga soo qaateen Dalal Shisheeye inay dumiyaan Qaranka Soomaaliyeed, isagoo aan soo bandhigin Cadaymo muujinaya waxa uu ku eedeeyay Xildhibaanadan.

HornAfrik ayaa ogaatay in Xafiiska Raiisul Wasaaraha laga soo aabaabulay Eedaymaha loo jeediyay Xildhibaanadan, isla markaana si hordhac ah loo shaaciyay Magacyadda Labo Xildhibaan oo kaliya, balse Tiradda Magacyadda la doonayo in la xiro ay intaas ka badan yihiin.

Liis ay heshay HornAfrik ayaa waxaa ku qoran Magacyadda Xildhibaano iyo Siyaasiyiin lagu wargaliyay Xafiiska Dacwad Oogaha Guud inuu ku soo oogo Eedaymo lagu qalqal galinayo, Waxayna kala yihiin

Xildhibaan Xasan Macalin

Xildhibaan Cabdi Saabir Shuure

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqhi

Xildhibaan C/wali Qanyare

Xildhibaan Cumar C/rashiid

Xildhibaan Abshir Bukhaari

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur

Iyo Xubno kale.

HornAfrik waxay ogaatay in 3 Waji loo kala saaray Xildhibaanadda Siyaasiyiinta la doonayo in loo adeegsado Awood Garsoor iyo Mid Ciidan, Waxaana Wajiga koowaad lagu billaabayo Labo Xildhibaan, iyadoona tallaabadana xigta la filayo in lagu xijiyo Siyaasiyiin aan ka mid ahayn Golayaasha Dowladda, kuwaas oo aan iyaga cidna la waydiisan doonin in Xasaanadda laga qaabo, balse lagu weerari doono Guryaha ay dagan yihiin. taasoo haddi ay dhacdo sababi karto Dagaalo iyo Colaado cusub oo ka billowda Somalia.

Somalia oo ay ka jirto Nidaam Dimuquraadi ah ayaa hadda u muuqda in Nidaamkaasi ay meesha ka saarayso Dowlada hadda jirta oo doonayso inay awood u adeegsado Mucaaradka Aragtidda ku diidan ee ka soo horjeeda, Waxaana laga yaabaa in loo adeegsado Awood Ciidan, kadib hadalka Xeer Illaaliyaha Guud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.