RW Kheyre oo qiray in Mareykanka jartay Saadka uu siiyo Milatariga Somaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii uhoreysay ka hadlay talaabada Mareykanka todobaadkii hore ku jaray Sadka uu siin jiray Ciidan katirsan Milatariga Somaliya.

Kheyre oo wariyayaasha kula hadlay Gelinkii danbe ee maanta Xafiiskiisa ayaa sheegay iney ogaayeen in la jarayo Saadka ayna isla qaateen Mareykanka in si Kumeel gaar ah loo jarao lacagahaas.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sheegay ineysan jirin wax Musuq Maasuq ah oo lagu helay Xukuumadiisa balse uu jiro musuq hareeyay Xukuumadihii hore ee dalka soo maray, Waxa uu soo qaatay Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF Bayaan ay soo saartay oo sida uu sheegay ku qirtay ineysan jirin Musuq dalka kajiro.

Dowladda Somaliya ayuu sheegay iney sameysay daraasad dheer oo ku aadan caqbaadaha ku aadan dhismaha Ciidanka, Kuwo naafa ah oo shaqeynaya iyo kuwo dhintay oo kujira Ciidanka Xooga dalka, Darasadan ayuu tilmaamay iney bilaabeen Bishii April oo xukuumadiisa Baarlamaanka ansixiyay.

Dowladdaha Mareykanka iyo Somaliya ayuu sheegay Kheyre iney ku heshiiyeen in todobaadyo hakad geliso Saadka la siiyo Somaliya, si loo sameeyo Akoono lacagaha loogu shubo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.