Dastuurka: Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka Federaalka Iyo Awoodaha Mid Weliba Gaar U Leeyahay

0

Dastuurka qabyo-qoraalka ah, waxaa ku xusan Awoodaha sharci-dejinta ee golaha shacabka iyo aqalka sare, awoodaha mid weliba uu gaar u leeyahay iyo qaar ay wadaagaan.

Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka 

Sida ku qoran dastuurka qabyo-qoraalka ah qodobada 79aad, 80aad iyo 81aad waxaa ku xusan habraaca sharci-dejinta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobka 79aad: (1): Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan:

(a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan; (b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey.

(2) Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax-ka-beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Qodobka 80aad: Curinta sharciyada:

(1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara:

(a) Golaha Xukuumadda; (b) Ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo.

(2) Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara:

(1) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama

(2) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Qodobka 81aad: Go’aammo Siyaasadeed

(1) Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci.

(2)  Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah.

(3) Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad.

(4) Golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah. 

Hadaba, Waa Maxay Awoodaha Uu Aqal Weliba Gaar U Leeyahay? 

Sida ku qoran qodobka 63aad, Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah:

(a)  Ka-qaybgalka wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;

(b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad;

(c) Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka;

(d) U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax-ka-beddelidda Dastuurka. 

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah (1) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:

(a)  Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

(b)  Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.

  1. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda:

(a)    Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka;

(b)  Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;

(c)  U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;

(d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;

(e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha;

(f)  Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka;

(g)  Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka. 

Dhinaca kale, sida ku qoran qodobka 71aad, Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:

(a) Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;

(b) Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83;

(c)  Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;

(d)  Ka-qayb-qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;

(e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;

(f) Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;

(g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;

(h)  Ka-qayb-qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;

(i)  Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:

  1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
  1. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
  1. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
  1. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
  1. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka. 

Waxaa sidoo kale jira labo qodob oo ku jira dastuurka loo aqalka siinaya awood gaar ah sida lagu sheegay qodobka 71aad, faqradda(b), Labadaasi qodob waxaa ay kala yihiin: Qodobbada 82-83; 

Qodobka 82aad. Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka

(1)  Golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota:

(a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo;

(b) In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey.

(2)  Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay Golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda:

(a)  Inuu u ansaxiyo sida Golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro Golaha Shacabka;

(b)  In ay ku sameeyaan wax-ka-beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan Golaha Shacabka;

(c) In ay diidaan una gudbiyaan Golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen.

(3)  Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

(4)  Marka Golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay Aqalka Sare waxaa u furan inuu sameeyo arrimaha soo socda middood.

(a) Inuu oggolaado wax-ka-beddelkaa lagu sameeyay hindisaha sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah;

(b)  Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

(5)  Marka Golaha shacabka uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday Aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood:

(a) Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado;

(b)  In uu ku baal maro diidmaddii Aqalka Sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.

Qodobka 83aad. Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare.

(1) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda:

(a)  Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax-ka-beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado;

(b)  Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday.

(2)  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalku marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaas oo Aqalka Sare oggolaadey, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda:

(a) In uu u oggolaado sharcigaas sida uu ugu soo gudbiyey Aqalka Sare, ka dibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga;

(b)       Inuu wax kabeddelo sharcigaas dibna ugu celiyo Aqalka Sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu beddeley;

(c)  Inuu diido, dibna uga celiyo Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha uu u diidey.

(3)  Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaas oo uu wax ka beddeley Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda:

(a)  Inuu aqbalo wax-ka-beddelidda sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu u oggolaado, u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah;

(b)  Inuu diido wax kabeddelka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka Golaha Shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3 tirada xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

(4) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu diiday Golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda:

(a) Inuu aqbalo diidmada sharcigaas isagoon u codeyn, joojiyana hindaha sharciga qabyada ah;

(b)  Inuu kaga gudbo/ku-baalmaro diidmada Golaha Shacabka cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnaha Aqalka ah, dibna ugu celiyo Golaha Shacabka Federaalka ah.

(5)  Haddii uu Golaha Shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga beddelay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci Qabyada ah u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro.

(6) Haddii Golaha shacabka uu soo gaaro Hindise Sharci qabyo ah, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, Golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood:

(a) In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci ee qabyada ah;

(b) In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci ee qabyada ah u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro.

(7)  Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro Guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.