Alshabaab oo Sheegtay Inay Dileen Wiil uu dhalay Muqtaar Rooboow

0

Kooxda Alshabaaab ayaa sheegatay in Dagaal ay Maanta ku soo qaadeen Maleeshiyaadkooda Xoogag taabacsan Muqtaar Rooboow Abuumansuur ay ku dileen Saraakiil Sar Sare oo uu ku jiro Wiil uu dhalay Rooboow.

Dagaalkan oo ka dhacay Tuuladda Abal oo 20 KM u jirta Diinsoor, ahna Saldhiga ugu wayn ee Muqtaar Rooboow oo Dowladda isku soo dhiibay August 2017-ka ayaa sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, Waxaana Dagaalka uu soo gaaray Galabta xilli dambe.

Saraakiisha ay sheegteen Alshabaab inay Dagaalkaasi ku dileen waxaa ka mida Cabdullaahi Mukhtaar Rooboow oo ah wiil uu dhalay Abuu Mansuur iyo Taliyihii Abuu Mansuur oo magaciisa lagusoo gaabiyay Manuur Ganeey.

Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) oo horay uga tirsanaa mas’uuliyiinta Al Shabaab ayaa bishii Agust 2017 isku dhiibay Dowladda Somalia oo uu sheegtay inuu wadahadalo kula jiro.

 

Ma jiro wax hadal ah oo Dagaalkan uu ka soo saaray Muqtaar Rooboow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.