Saraakiisha Caafimaadka: 13 Ayaa Ku Dhimatay Qaraxa Dugsiga Jeneraal Kaahiye

0

Saraakiisha caafimaadka ayaa HornAfrik u xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye .

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, xilli ay ciidamada ku jireen tababarkooda caadiga ahaa ee subaxnimo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Booliska oo isku diyaarinayay inay gaardiyaan.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa.

Abuu Muscab oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 27  ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil. balse HornAfrik waxay ogaatay in dhimashaddu ay tahay 13 Askari oo ay Dumar ku jiraan.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda u dabaal-degi-doona maalinta la aasaasay oo ku began December 20, 1943

Hey’adaha ammaanka ayaa wado baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana lagu wadaa in ay war ka soo saaraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.