Dowladda Somalia oo Shaacisay Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Qarixii Dugsiga Gen Kaahiye

0

Dowladda Federaalka Somalia ayaa si rasmiya u shaacisay in Qarixii Saaka ka dhacay Dugsiga Sare ee Booliska Gen Kaahiye ay ku dhinteen 17 Askari oo Boolisk ah, 17 Kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda
Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad Cumar oo tagay goobta ay wax ka dhaceen ayaa ku daabacay Bartiisa Facebook in 17-Askari ee dhimatay iyo 17-ka kale ee dhaawacmay ay dhamaantood ahaayeen Cidiamo Boolis ah. Waxaana uu Wasiirku ka tacsiyeeyay dhibaatadaasi gaartay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Booliska oo isku diyaarinayay inay gaardiyaan.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa.

Abuu Muscab oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 27  ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil.

Wasiirka Arrimaha Dibadda
Wasiirka Arrimaha Dibadda

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.