Ciyaartii Galabta dhex mari laheyd Jubbaland iyo Galmudug oo loo baajiyay Sababo Amni

0

Waxaa la baajiyay ciyaartii galabta dhex mari laheyd xulka kubadda cagta Jubbaland iyo Galmudug oo ka tirsan Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Kulan Golaha Wasiirada Soomaaliya goor dhow yeesheen ayaa lagu go’aamiyay in la baajiyo ciyaarta galabta sababo amni dartood

Kooxaha Ciyaartoyda Jubbaland iyo Galmudug ayaa lagu wargeliyay inay baaqatay ciyaarta galabta, oo aheyd ciyaartii u dambeysay ee Group-ka A.

Lama sheegin xilliga la ciyaari doono ciyaarta galabta baaqatay, hase ahaatee waxay u badan tahay in maalinta nasashada ciyaaraha loogu tala galay in la ciyaari doono, halka maalinta berri oo jimco ah ay ku qorsheysan tahay ciyaarta dhex mari doonta Puntland iyo Koofur Galbeed.

Baaqashada ciyaarta galabta ayaa ku soo aaday, xilli saakay Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.