Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Abaanduulaha ciidanka Xoogga.

0

Xilli dhawaan Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Genaraal  Cabdulaahi Cali Caanood uu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ay la shqeeyaan Al-shabaab ayaa waxaa eedeeyntaasi iska fogeeyay maamulka gobolkaasi.

Cali Nuur Maxmed gudoomiye ku xigeenka  dhinaca Amniga ee Shabeelaha Hoose  oo la hadlay HornAfrik ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin cid ka tirsan maamulkooda oo la shaqeysa Al-shabaab, basle taas hadii ay jirto oo uu ogyahay Abaanduuluhu Ay habooneyd in uu soo sheego ka hor inta uusan warbaahinta la wadaagin sida uu hadalka u dhigay.

Mar la waydiiyay hadii taliskii ciidanka xooga dalka ay eedeeyn u jeediyeen Maamulkooda iyaguna ay iska fogeeyeen sida ay iskula shaqeynayaan ayaa Waxaa uu ku jawaabaabay in Aysan jirin Howlgalo muuqda oo Abaanduulaha Ciidanka ka sameeyo shabeelaha hoose ,  Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Ciidanka loo sameeyo Hogaan wanaagsan oo ku hogaamiyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Cali Nuur waxa uu ku tilmaamay in Caanood uu yahay Shaqsi aan Masuuliyadda hayo qaadi karin, isla markaana u dhaqma si aan Masuuliyadi ku jirin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.