Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2018-ka

0

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda hadda socda waxaa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2018-ka.

Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 164 Xildhibaan, codeyntii la qaaday waxaa ogolaaday 162, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka hal kale uu ka aamusay.

Miisaaniyadda 2018-ka, guud ahaan waa :  US$ 274,630,191

Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:

(B) Kharash-ka joogtada ah:         US$ 260,171,727

(T) Kharashka Raasumaalka:        US$ 14,458,464

Wadarta Guud:                              US$ 274,630,191

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.