Gaari Qarax Ah oo Ku Soo Jeeday Muqdisho oo Gantaal Diyaaradeed lagu burburiyay

0

Ciidamadda Maraykanku waxay duqayn ka gaysteen Xilli hore oo Maanta oo Talaado ah Deegaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasoo ay u ku burburiyeen Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo ku soo wajahnaa Muqdisho.

Duqayntan oo ka dhacday Deegaanka Mubaarak oo Koonfur Galbeed ka xiga Muqdisho waxaa iska kaashaday Ciidamadda Somalia iyo Maraykanka.

Ma jiraan wax rayid ah oo Weerarkaasi wax ku noqday sida lagu sheegay Warsaxaafadeed laga soo saaray Taliska Maraykanka ee Afrika.

Taliska AFRICOM waxay sidoo kale sheegeen in Ciidamadoodu ay samanayaan wax kasta oo suuragal ka dhigi kara Badqabka Muwaadiniinta Maraykanka iyo in la dhimo Qatarta Argagixisadda. Waxayna Ciidanka Maraykanku howlgaladooda ay ku bartilmaameedsanayaan Argagixisadda Geeska Afrika ay iskaashi kala sameeyaan AMISOM, iyo Ciidanka Dowladda Somalia.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay in lagu bartilmaameedsan lahaa Goobaha ay Shacabku isugu yimaadaan,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.