Al-Shabaab Oo Gobolka Shabeellaha Hoose Ka Fuliyay Xukun Gacan Goys Ah

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ka fuliyeen Xukun Gacan goys ah.

Goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Kuunya Baroow ayaa la’isugu keenay Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaankaas,waxana xukunka Gacan Goynta ah ay Al-Shabaab ku fuliyeen Nin ay ku eedeeyeen in uu geyestay fal Xatooyo ah ah.

Maxkamada Al-Shabaab ee deegaankasa ayaa sheegtay in Ninkaas uu xaday lacago dollar ah,Kumbiyuutaro iyo sidoo kale Mobilo,isla markaana uu qirtay dembiga lagu soo oogay.

Waxaana Maxkamadu sheegtay in Ninkaas lagu xukumay in mid ka mid ah Gacmihiisa la jaro iyo in uu dib u celiyo lacagtii lagu eedeeyay in uu xaday.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka maamulaan Bartamaha iyo  Koonfurta Soomaaliya waxa ay ka fuliyaan xukuno isugu jira dil iyo Gacan goyn intaba.

Maxkamadaha Alshabaab ayaa la maqlaa oo kaliya marka ay Xukunka Fulinayaan, Mana jirto Dhagaysi Dacwado Furan oo ay sameeyaan, sidoo kale dadka ay Xukunka ku fulinayaan looma oggolaado Qareeno Difaaco, lama soo bandhigo Cadaymo ku filan waxa lagu eedaynayo, taasoo ka dhigan in Qofka ay rabaan ay u sameeyaan Dambiyo been abuur ah, kuna fuliyaan Xukuno.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.