Qorshaha 5-Sano Ee Soo Socota Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorshooyinka Qaran Oo La Soo Bandhigay

0

Munaasanad ujeedkeedu yahay Daah-furka Qorshaha Istaraatiijiyada Shanta Sano soo aadan ee Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Isniintii maanta lagu soo bandhigay Xarun ku taalo Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Munaasibadda ayaa lagu soo bandhigay Qaamuuska Doorashooyinka Soomaaliya.

Qaamuuskan oo uu turjumay Qoraaga Axmed Faarax Cali, ayaa isaga oo madasha ka hadlayay waxaa uu sheegey in waqti badan ay geliyeen turjumaadda Qaamuuskan,waxaana uu ku baaqay in loo adeegsado doorashooyinka.

Munaasibadda ka socota Muqdisho ayaa waxaa hadda ku sugan Wasiirka Qorsheynta,Guddoomiyah Gobolka Banaadir,qaar ka mid ah xubnaha Labada aqal,Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxabanaan.

Hogaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka Siyaasiyiin Xubno katirsan Baarlamaanka Federalka iyo Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Munaasabadaasi.

Madasha ayaa lagu soo bandhigaya Keyd-Xogeedka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran Istaraatijiyada 5-Sano ee soo aadan.

Gudoomiyaha Gudigaas Xaliimo Yareey ayaa madasha kusoo bandhigeysa Qorsha howleedka ay soo diyaariyeen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa gaba gabada Munaasabadaas madash ka jeedin doona ahmiyada Xukuumada ee fulinta qorshaha doorashooyinka.

ka Qeybgelayaasha munaasibaddan ayaa waxaa ka mid ah wakiillo ka socda waddamada iyo Ururrada taageera Soomaaliya sida Midowga Yurub,Germanay,Norway,Sweden,Talyaaniga iyo kuwo kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.