Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubada Cagta Banaadir Oo Galabta Ciyaar Ka Dhici Laheyd

0

Ciidamada Xasilinta iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay baaritaano ka sameeyeen Garoonka Kubadda Cagta Banaadir, waxaana ay soo saareen miino lagu aasay Albaabka hore ee Garoonka.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Albaabka Weyn ee Garoonka Banaadir in laga soo bixiyay Miinadasi ka hor inta aysan qarxin.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sidoo kale Gudaha Garoonka Koonis waxa ay ka wadaan baaritaano kale oo ku aadan ogaanshaha in miinooyin kale ay ku jiraan gudaha.

Galabta ayaa la filayaa in ay ku wada Ciyaaraan Garoonka kooxo kala metelaya Galmudug iyo Banaadir.

Sidoo kale Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ma shaacin in dib loo dhigay Ciyaartaas, balse Wasaaradda Dhalinayarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Ciyaarta u dhaxeysa xulalka Banaadir iyo Galmudug ay dhici doonto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.