Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo saaka xiran

0

Waxaa saaka xiran wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii la soo dhigay isbaarooyin cusub oo lacago looga qaadayo gaadiidka .

Sida ay sheegayaan wararka darawalada gaadiidleyda ayaa saaka banaan bax cabasho ah ka wada wadada, waxaana ay warbaahinta u sheegeen inay dhibaato ku qabaan isbaarooyinka.

Isbaarooyin cusub ayaa shalay la soo dhigay meel ku dhow deegaanka Lafoole, sida ay xaqiiyeen maamulka deegaanka.

Ciidamada isbaarada dhigtay ayaa ka mid ah ciidanka Milateriga, waxaana ay gaadiidka ku amrayaan inay lacago bixiyaan.

Xirnaanshaha wadada ayaa saameyn ku yeelatay gaadiidkii qudaarta ka keeni jiray deegaanada Shabeellaha Hoose oo subax walba soo geli jiray magaalada Muqdisho.

Taliska Milateriga ciidanka xoogga dalka ayaa horay amar ka soo saaray isbaarooyinka, waxaana jiray askar loo xiray isbaarooyin ay dhigteen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.