Hadda:- Haweeney katirsaneed Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay Degmada Hodan.

0

Wararka ka imaanaya Xaafadda Jaamacadaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay hoygeeda ku dileen Ridwaan Salaad oo katirsaneed Booliiska Soomaaliya.

Dableyda dishay Ridwaan ayaa la sheegayaa in ay Hoygeeda ugu galeen, isla markaana ay Dhowr Xabad ku dhufteen, Waxaana ay ku dhimatay isla goobta Gabadha Booliska ahayd.

Kooxdii hubaysnayd ee Dilka gaysatay ayaa isaga tagay goobta, iyadoo aysan jirin cid dabagashay. Waxaana goobtii uu Dilku ka dhacay 30 daqiiqo kadib yimid Ciidamadda Ammaanka, kuwaasoo hadda ka wada halkaasi howlgal.

Ma Jirto cid loo qabtay Dilka Gabadhan Askariyadda ah, Waxaana Dilkan uu ka mid yahay Dilalka lala beegsadayo Ciidamadda iyo Shaqaalaha Dowladda, kuwaasoo ay fuliyaan Kooxda Argagixisadda ah ee Alshabaab.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.