Akhriso: Magacyada Muwaadiniin lagu dilay Duqayn Diyaaradeed Oo Maraykanku ka gaystay Deegaanka Farsooley

0

Meydadka Shan Qof oo shacab ah ayaa lagu aasay Degaanka Iimeey oo hoostaga  degaanka Farsooley ee Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo dhawaan ay duqeeyeen Diyaaradaha Ciidanka Mareykanka.

Sidoo kale weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah, islamarkaana isugi jira Dumar, Carruur iyo Rag, kuwaas oo xilliga duqeynta ku sugnaa Goob isu imaatin uu ka jiray.

Mid ka mid ah Ugaasyada Beelaha dega Shabeellaha hoose oo dadka la dilay ka soo jeedaan ayaa Magacyada Dadka dhintay ku kala sheegay:

1.Macalin Cabdow Fiilow Muudeey 45 sana jir ah

2.Aamino Macalin Cabdow Fiilow 17 sana jir ah

3.Cusmaan xuseen cabdi (osman jiis )43 sana jir ah

4.Yuuqaney Cusmaan xuseen oo 5 sana jir ah

5.Maxamed cabdi caliyow garboole 38 sana jir ah .

Dadka dhaawacmay ayaa iyaguna lagu kala sheegay:

Maxamed Nuur Xuseen Cabdi oo 23-jir ah iyo Safiyo Cusmaan Xuseen oo 1sano iyo bar jir ah,Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab.

25kii August ayey ahayd markii Diyaaradaha Mareykanka ay 10 Qof oo shacab ah ku dileen degaanka Bariirre ee isla Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana kordhaya khasaaraha ay geysanayaan duqeynta Mareykanka ee ka socota Somaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa kordhisay Howlgaladeedka Somalia, Waxayna taasi keentay in qaladaad badan oo Dhinaca Bartilmaameedka ah uu dhaco, iyadoona weeraro dhowr ah lagu laayay Shacab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.