Cilad ku timid diyaarad siday Soomaali laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka

0

Cilad ayaa ku timid diyaarad siday illaa 92 ruux u badnaa Soomaali laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, iyadoo diyaaradda oo ka degtay magaalada Dhaka dalka Senegal ay dib ugu laabatay Mareykanka, markii ay cilad ku timid.

Warar ay qoreen warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradan ay cilad ku timid, intii ay hawada ku soo jirtay.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaarada dib ugu soo laabatay Mareykanka, kaddib markii ay cilad ku timid.

Tirada Soomaalida laga masaafurinayay dalka Mareykanka ee aan heysan sharciyada ayaa sii kordhayay tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Horaantii sanadkan ayay aheyd markii in badan boqol ruux oo Soomaali laga soo masaafuriyay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

HornAfrik waxay ogaatay 2 Maalin ka hor Macluumaadkan in Dad Soomaaliyeed laga soo celinayo Maraykanka, iyadoona u soo bandhigtay Akhristayaasheeda.

Dowladda Somalia oo oggolaatay in dib loo soo celiyo 93 Soomaali Qaxooti ku ahaa Maraykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.