Akhriso Sababta uu Siyaad Shire u Doonayo in loo magacaabo Hay’adda Socdaalka.

0

Siyaad Maxamuud Shire oo ku magacawnaa Qunsulkii Jeddah ee Sacuudiga ayaa Mudooyinkan waxa uu ku sugan yahay Muqdisho, isagoo aan 6 Billood tagin Safaaraddii uu ku magacwnaa ee Sacuudiga, sababo la xiriira Lunsasho Hanti iyo Dacwo ay ka soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga.

Siyaad Oo Dhalinyaro Isugu Yeeray Si Ay Xil Been Ah Ugu Soo Galiyaan Baraha Bulshadda
Siyaad Oo Dhalinyaro Isugu Yeeray Si Ay Xil Been Ah Ugu Soo Galiyaan Baraha Bulshadda

Siyaad Shire oo saaka koox dhalinyaro ah ku shiriyay hotelka jazeera ayaa ka codsaday iney u suuq geliyaan, islamarkaana Facebook ku faafiyaan sawiradiisa iyo in loo magacaabayo Taliyaha Immigration-ka Soomaliya, Isagoona Dhalinyaradaasi oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo Shaqaale hore oo Dowladeed u qaybiyay qofkiiba $100, Wuxuuna u sheegay Dhalinyaradan in Madaxwayne Farmaajo oo uu Abti u yahay uu uga qaaday Xilkaasi Col Maxamad Aadan Jimcaale Koofi oo isbadal horumar leh ka sameeyay Hay’adda.

HornAfrik oo dabagal ku samaysay sheegashadda Siyaad ayaa ogaatay inaysan dhaafsiisnayn is boqridiisa Hoteel Jaziira oo aysan jirin Wareegto uu  haysto iyo Cid xil u magacawday.

Siyaad Shire ayaa ku qaata Muqdisho Lacag dhan $46,000 oo loogu talagalay Qunsiliyadda, Waxaana uu Lacagtaasi ku dhameeyaa Hoteeladda iyo Baararka Shiishadda ee Muqdisho, iyadoo aysan wax shaqo ah ka socon Qunsuliyadda uu ku magacaaban yahay, Isla markaana ay qarka u saaran tahay inay xiranto Qunsuliyaddu.

Safiirka Somalia u fadhiya Sucuudiga, Sh Daahir Geele ayaa dhowaan ku wargaliyay Siyaad Shire inuu ku soo laabto Shaqadiisa, balse waxa uu Safiirka laf ahaantiisa ugu goodiyay inuu Xilka ka qaadi doono, isagoo sheegtay inuu Madaxwaynaha Abti yahay, taasoo aan ka mid ahayn Awoodaha Dastuuriga ah ee Qof sheegan karo.

Siyaad Shire iyo Itoobiya

Siyaad Shire Oo Illaalo Ah Gen Gabre Iyo Cali Geedi
Siyaad Shire Oo Illaalo Ah Gen Gabre Iyo Cali Geedi

Siyaad Shire waxa uu xiriir la leeyahay Itoobiya, Waxaana uu la shaqayn jiray Raiisul Wasaarihii hore ee Somalia, Cali Maxamad Geedi oo uu ka mid ahaa Illaaladiisa Gaarka ah, halkaas oo ay isku barteen Gen Gabre oo Itoobiyaanka u qaabilsan la macaamilka Siyaasiyiinta Soomaalidda, Waxaana uu ka mid noqday Koox Dhalinyaro ah oo Itoobiya u tababaratay inay u soo gudbiyaan Macluumaadka Kooxaha Dagaalka kula jira ee Orromadda iyo ONLF, isagoona ka hoos shaqayn jiray Xafiiska Sirdoonka ee Safaaradda Itoobiya ku leedahay Muqdisho.

Mudadii uu Shaqadaas hayay Siyaad Shire waxa uu ku guulaystay inuu Itoobiya uga fuliyo Howlo ay ka mid yihiin Dilal Qarsoodi ah iyo Afduub lagula kacay Muwaadiniin Soomaali ah oo Dalkooda jooga, kuwaasoo ay Itoobiya raadsanaysay, Waxaana ugu dambeeyay Dadkii uu ka dhoofiyay Soomaaliya, C/kariin Shiikh Muuse Qalbidhagax oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga, kaasoo Siyaad Shire uu ahaa Qofka kaliya ee ka socday Dowladda Somalia oo la raacay Diyaaradda.

Sidoo kale 2 Billood ka hor waxa uu Siyaad Shire ka dhoofiyay Muqdisho Nin Orromo ah oo daganaa Muqdisho 20 Sanno, Isla markaana Kitaabo Diino ah ka akhrin jiray Masjid ku yaala Wadajir.

Sababta uu u doonayo in loo Magacaabo Hay’adda Socdaalka

HornAfrik waxay dabagal ku samaysay sababta uu u doonayo Siyaad in Xilkaasi loo magacaabo, Waxayna ogaatay in sidoo kale ay Dowladda Itoobiya la raadinayo Siyaad Shire Xilkan.

Sababta ugu wayn ee Siyaad Xilkan ay ula raadinayso Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in markii uu culeys ka soo food saaray Dadka ay ka dhoofinayso Soomaaliya, kuwaasoo ay qaylo dhaan ka keeneen Shacabka Soomaaliyeed ayeey Itoobiyaanku doonayaan inay keensadaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya qof ay iyagu wataan si aan loo oggaan Dadka ay ka dhoofsanayaan Muqdisho iyo Garoomadda kale ee Dalka, iyadoo arrintan ay sii xoogaysatay markii uu Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha amar ku bixiyay inaan laga dhoofin Karin Garoomadda Dalka oo dhan qof Maxbuus ah, iyadoo aan la haysan Warqad Maxkamadeed oo cadaynaysa in Qofkan loo wareejinayo Magaalo kale oo isla Dalka ah, Waxaana uu gabi ahaanba amray inaan Dalka dibadiisana qof loo dhoofin Karin, taasoo caqabad ku noqotay Dulaaliintii Itoobiya u dhoofin jiray Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Somalia Ayaan la ogayn inay oggolaan doonto arrinta Itoobiya ay doonayso oo ah in Siyaad Shire loo magacaabo Hay’adda Socdaalka iyo in kale, Waxaana Muqdisho u jooga hadda arrintan Gen Gabre oo isku dayaya inuu ku qanciyo Madaxda Qaranka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.