Akhriso:-Jubbaland Oo Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Gobolka Banaadir

0

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxa ay dacwad ka dhan ah Maamulka gobolka Banaadir u gudbiyeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii shalay muran la geliyay Jinsiyada Ciyaar yahan u Ciyaarayay xulka gobolka Banaadir tartanka Maamul Goboleedyada ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ciyaaryahaanka u Ciyaarayay Xulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu Magacaabaa Abdimajid Cusmaan Ibraahim “Xusni” waxaana baraha Bulshada dadka qaarkood ay ku shaacinayeen in uu yahay Kenyati.

Jubbaland waxay ku eedeeyeen Ciyaaryahankan inuusan haysan Jinsiyadda Soomaaliya, Isla markaana ay keensadeen Muqdisho mid ka mida Kooxaha Heerka 1aad ee Dalka oo ka soo iibsaday Kenya, Waxaana Qoraalka lagu xusay in Soomaaliya uu ku soo galay Dal Ku Gal, isagoo sitta Baasaboorka Kenya, taasina ay ka hor imaanayso Xeerka Ciyaaraha.

Jubbaland

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.