Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Faransiiska

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka faransiiska ayaa la kulmay agaasimaha socdaalka dalka Faransiiska, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen kusimaha safiirka ahna qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ku leedahey dalka Faransiiska iyo madax kale.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi iyo dhigiisa Faransiiska ayaa ka wada  hadley iskaashiga dhinaca arrimaha socdaalka, isdhaafsiga khibradaha iyo Baasaboorka Soomaaliya, isaga oo agaasimuhu ku wareejiyey saraakiisha Faransiiska tusaalaha baasaboorka Soomaaliya (Specimen).

Labada dhinac ayaa isla gartey in ay yeeshaan kulamo joogto ah iyo kuwo sanadle ah, islamarkaana la iska kaashado arrimaha la xariira socdaalada iyo jinsiyadda labada dal.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa adeegga Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha uu Col Koofi ku soo kordhiyey waxay noqotey waxqabadka kaliya ee ay soo bandhigtay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.