Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Sheegtay in Ku dhawaad 300 ay ku Waxyeeloobeen isku dhacyo Gaza ka dhacay.

0

Saacadihii lasoo dhaafay Magaalooyinka Waa weyn ee Falastiin waxaa ka soconayo isku dhacyo u dhaxeeya Dhalinyaro Falastiiniyiin ah iyo Ciidamada Isreal.

Isku dhacdyada ayaa Xooggooda dhacay Salaadii Jimco kadib, waxaana la arkaye Muuqaalada Dhalinyarada reer Falastiin iyo Ciidamada Isreal oo Dhagaxaan iyo Rasaasta Nuuca Cinjirta iyo Rasaasta Caadiga ah isku adeegsanaye.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo Goordhaw soo saartay Tiro Koob Hordhac ah waxa ay sheegtay in Isku dhacyadaas ay ku waxyeeloobeen in ka badan 250 qof oo shacab ah oo ka qeyb qaadanaye dibad baxaya looga Soo horjeeda Safaaradda Mareykanka ee Qudus.

Saraakiisha Caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in Goobo kala duwan ay ka qaadeen Dad qaba dhaawacyo kala duwan isla markaana ay geeyeen Goobaha Caafimaadka Si loogu Baxnaaniyo.

Dibad baxyaasha ayaa Dab qabad siiyey Calamada Mareykanka iyo Isreal, waxayna Wadooyinka ku shideen Taayiro, sidoo kalane waxa ay jareen Wadooyinka iyagoo ku gooyey Dhagaxaan.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa Cirka isku Shareertay kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Magaalada Barakeysan ee Qudus u aqoon saday Safaaradda Isreal, taasi ayaa dhalisay in Wadamada Carbeed ay ka fal celiyaan Go’aanka Trump.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.