Muqdisho oo lagu qabanayo bannaanbax ka dhan ah go’aankii Trump ee Qudus.

0

Jimcaha maanta, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto bannaanbax looga soo horjeedo go’aankii uu Madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Donald Trump, ayaa Arbacadii amray in Safaaradda Mareykanka laga raro Magaalada Tel Aviv, loona wareejiyo Magaalada Qudus, taasoo ka careysiisay dunida Muslimka.

Muslimiinta, ayaa qaarkood dhigay bannaanbaxyo ay ku muujinayan sida ay kaga careysan yihiin tallaabada Qudus loogu xallaaleynayo Maamulka Yahuudda, iyadoo Muslimiin kalena ay qorsheynayan inay isu soo baxyo sameeyan.

Magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah magaalooyinka la doonayo in Jimcaha maanta lagu qabto bannaanbax si weyn loogu cambaareynayo go’aanka ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culima’udiinka Somaliyeed, ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay maanta isugu soo baxaan goob kastaa oo ay isugu imaan karaan, si ay ugu muujiyan dareenkooda ku aadan xiisadda Qudus.

Khudbadda Jimcaha, ayaa inta badan Masaajida waxaa lagu soo qaadan doonnaa go’aanka xasaasiga ah ee Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Israel.

Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimadda Yahuudda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.