Farmaajo oo wax ka yar 2 Usbuuc Gudahood Safarkii Labaad u Ambabaxay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo magaaladda Sharma Shiikh.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa  ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, waxaana loogaga hadli donaa horumarka ganacsiga qaaradda Afrika.

Shirkan ayaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan madax badan badan oo ka socda qaarada Afrika iyadoo shirkan uu u yahay wadamada Afrika mid ahmiyad gaar ah leh.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.