Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Iska Dhiibay Diinsoor

0

Maamulka degmada Diinsor ee gobolka Baay ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo watay gaari nooca dagaalka ah.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Nuur Shikshigow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey iney isku soo dhiibeen 6 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, mid uu yahay Darwal wadey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay raggan wateen.

Wuxuu tilmaamay guddoomiyaha in raggan is soo dhiibay ay ka yimaadeen deegaanka Carabow oo dhow degmada Diinsoor.

“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdi bile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin raggan la sheegay in dhankooda ay kasoo baxsadeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.