Farmaajo oo 2 Usbuuc Gudahood Safarkii 2-aad Dalka Dibadiisa ugu baxaya.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa safarkii labaad ku tagay dalka Masar, kaddib markii uu bishii August ee sanadkan uu booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri u kicitimaya magaalada Sharm El-Sheikh, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galayaan Illaa shan Madaxweylayaan Afrikaan ah iyo marti sharaf kale.

Shirka Africa 2017 ayaa ka dhici doona magaalada Sharma El-Sheikh 7 illaa 9 December, waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan Ganacsiga iyo horumarinta ka jira Qaaradda Afrika.

Madaxweynayaasha Rwanda, Guinea, Comoros iyo Ivory Coast ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Ganacsiga Afrika.

Waa todobaadkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo safar dibadda ah ku baxayo, iyadoo todobaadkii hore Madaxweynaha uu booqasho ku tagay dalalka Kenya iyo Ivory Coast, halkaasoo uu uga qeyb galay Caleema saarka Uhuru Kenyatta iyo shirka u dhaxeeyay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Safarada Madaxweyne Farmaajo u baxayo dibadda ayaa sii kordhaya, 10-kii bilood uu xafiiska joogay safaro badan ayuu ku tagay dalal dhowr ah, waxaana dad badan ay bilaabeen inay su’aalo ka keeneen safarada Madaxweynaha, iyadoo la xusuusto in markii uu Ololaha ku jiray in Madaxdii hore uu ku dhaliili jiray safarada badan, balse waxaa muuqata in Madaxweynuhu uu hada ogaaday in safarada dibadda ay muhiim yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.