Xaaf Iyo Sheekh Shaakir Oo Soo Gaaray Muqdisho Kuna Wajahan Dhuusa Mareeb

0

Magaalada Muqdisho Waxaa Goordhow soo gaaray  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jameeca.

Msuuliyiintaan ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Sheekh Maxamuud kuwaas oo maalmahan ku sugnaa Jabuuti.

Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo Xaaf oo horay uu ka dhaxeeyay khilaaf Siyaasadeed ayaa heshiis waxa ay shalay ku gaareen dalka Jabuuti,kaas oo ay Garwadeen ka ahaayeen Urur Goboleedka IGAD.

HornAfrik ayaa ogaatay inuu jiro diyaargaroow ay ku doonayaan Xaaf iyo Sh Shaakir inay si wadajir ah ku tagaan Dhuusamareeb oo ah Xarunta Gobalka Galgaduud, taasoo ka dhigan in Madaxwaynaha Galmudug uu markii ugu horaysay tagay Magaaladda ugu qoron Dastuurka Galmudug inay tahay Xarunta Maamulkaasi, iyagoona labada dhinac ee Ahlusunna iyo Galmudug ay ku dhamaystiri doonaan Heshiiskooda halkaasi.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa la yimid tanaasulaad badan si xal looga gaaro khilaafka Galmudug, taasoo haddii ay meel marto ka dhigaysa Maamulkaasi mid awood badan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.