Sawiro: Madaxwayne Faramaajo Oo Furay Shirka Looga Arrinsanayo Amniga Soomaaliya.

0

Waxaa Muqdisho ka furmay shirka ‘ Heshiiska Amni” ee looga hadlayo xallinta arrimaha la xiriira Amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Madasha waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada, ergeyada qaramada midoobey iyo midowga Afrika, taliyeyaasha AMISOM iyo mas’uuliyiin ka socota dalal iyo ururo caalami ah.

Shirkan oo daba socda shirkii London ee heshiiska amniga, waxaa lacag loogu raadinayaa 18 kun askari ee lagu asteeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa looga hadli-doonaa sida ay AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.

Kulanka oo labo maalin socon-doona, maanta waxaa looga hadlayaa heshiiska amniga ee beesha caalamka iyo Soomaaliya halka berri xoogga lagu saari-doono “Somali Partnership Forum”.

Sawirro: 

Beesha Caalamka Oo Ka Qayb Galaysa Shirka Amniga Qaranka
Beesha Caalamka Oo Ka Qayb Galaysa Shirka Amniga Qaranka
Madaxda Dowlad Goboleedyadda Oo Fadhiya Shirka Amniga Qaranka
Madaxda Dowlad Goboleedyadda Oo Fadhiya Shirka Amniga Qaranka
Madaxwayne Farmaajo Oo Furay Shirka Amniga Qaranka
Madaxwayne Farmaajo Oo Furay Shirka Amniga Qaranka
Shirka Amniga Muqdisho
Shirka Amniga Muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.