Muqtaar Roobow Oo Awaamiir Dhul-Dhigay Wariyaasha Ku Nool Koonfur Galbeed

0

Wadaadka Muqtaar roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kula kulmay Wariyaasha ka howlgala Magaaladaas.

Kulanka ayaa ahaa mid Muqtaar roobow uu Wariyayaasha ku casuumay, iyada oo lagu wargeliyay in ay Madaxtooyada tagaan sida Wariyaasheena ku sugan Baydhabo ay soo sheegayaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in markii ay tageen halkii uu Muqtaar Roobow Madaxtooyada kaga jiray ayaa waxaa Wariyayaasha  lagu wargeliyay in ay demiyaan Qalabka ay wataan iyo waliba taleefoonadooda.

Intaasi kadib Muqtaar Roobow ayaa Wariyayaasha u sheegay in marka ay tabinayaan Wararka la xiriira isaga aysan Isticmaalin Erayga ah inuu isi soo dhiibay, balse ay ka dhigaan inuu Wadahadal kula jiro Dowladda Somalia, Wuxuuna ku canaantay Wariyayaasha inay ka tabiyeen Warar badan oo qalad ah, taasoo ah wax aan la aqbali karin.

Arrintaan oo u muuqatay in ay aheyd mid amar ah ayeey sida cad Madaxda Koonfur Galbeed raali ka ahaayeen, iyadoona Ammaankiisa ay gacanta ku hayaan Ciidamadda Itoobiya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Rooboow waxa uu Hogaamiye Ku Xigeen ka soo noqday Kooxda Alshabaab oo markii dambe ay is qabteen Hogaamiyihii geeriyooday ee Kooxdaas, Axmad Godane, taasoo ku qasabtay inuu baxsad ka noqdo Kooxda, isagoona ugu dambayntii ay ku soo weerareen Tuuladdii uu ku dhashay oo fariisin u ahayd, Waxayna taasi ku qasabtay inuu isku soo dhiibo Dowladda Somalia.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.