Muqdisho: Waddooyinka Oo Intooda Badan Xiran

0

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiran qaar kamid ah waddoyinka magaalada Muqdisho, waxaana tani ay saameysay isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ayaa la arkayaa iyaga oo gaadiidka dadweynaha celinaya, islamarkaana ku amraya iney ka laabtaan waddooyinka xiran.

Wadada Maka Al-Mukarama iyo tan Wadnaha ayaa Ciidamada lagu arkayaa,waxaana Gaadiidka dadweynaha iyo midka caadiga ahba mararka qaar lagu arkayaa Wadooyinka qarda jeexa ah iyaga oo isticmaalaya.

Sidoo kale waxaa la arkayaa shacab badan oo lugeynaya, kuwaasi oo markii hore aan fileyn in la xiro waddooyinka Muqdisho.

Sababaha loo xiray waddooyinkaan ayaa loo maleynaa iney tahay shirka Madasha “Somali Partnership Forum”   oo ah madal Soomaalida iyo beesha caalamka uga wada hadlayaan xallinta arrimaha la xiriira Amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.