Xog: Ahlusuna Oo Xil Ku Cusub Maamul Goboleedyada Dalka Laga Siiyey Awood Qeybsiga Galmudug

0

HornAfrik ayaa heshay xogo muhiim ah oo ku saabsan shirka dalka Jabuuti uga socday Madaxda maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca, kaas oo qodobo hordhac ah laga soo saaray.

Warar ay HornAfrik heshay ayaa sheegaya in markii ugu horeysay Maamulka Galmudug uu yeelanayo Ra’iisul Wasaare oo uu noqon doono Sheekh Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Ahlusuna,sidoo kale gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa loo magacaabayaa qof ka socda Ahlusunna, Waxay sidoo kale qayb ku yeelan doonaan Ahlusunna Wasiiradda iyo Baarlamaanka.

Galmudug ayaa noqonaysa Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo yeesha Raiisul Wasaare, Waxaana ay u baahan doonaan in wax laga badalo Dastuurka u qoran Maamulkaasi oo aysan ku jirin Raiisul Wasaare, iyadoona ay ku qoran tahay oo kaliya Madaxwayne iyo Madaxwayne Ku Xigeen.

Galmudug ayaa ku koobnayd Magaaladda Cadaado iyo Qayb ka mida Gaalkacyo, Waxaana heshiiskan haddii uu hirgalo uu noqon doonaa Maamulka ugu Dhulka balaaran marka laga reebo Puntland iyo Somaliland, iyadoo Maamuladda kale ay ku kooban yihiin Magaalooyinka yar oo kaliya, intana kalana ay magac ahaan sheegtaan oo aysan ku jirin gacantooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.