Munaasibad Fariimo Xambaarsan Hanjabaad loogu dirayay Mucaaradka Oo Caawa ay Xukuumadda Khayre ku qabatay Muqdisho.

0

Magaalada Muqdisho caawa waxaa lagu qabtay Munaasabad magaceeda lagu sheegay Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Somaliya.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.

Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda.

Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah.

Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda Wuxuuna Raiisul Wasaaruhu sheegay in Kulanka Bisha soo socda ay Qayb kale oo ka mida Wasiiradda hor imaan doonaan sidan oo kale Shacabka.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culimada Somaliyed oo hadlay, ayaa mar isdul taagay Mooshinka suuqa kujiro ee laga wado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Waxa uu Shiikha usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ineysan wax lacag ah siin Xildhibaano uu ku sheegay iney xaaraan qaadanayaan hadii lacagahaas la siiyo.

Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka oo mideysan ay ceejinayaan Xildhibaanada wada mooshinada ka dhanka ah Madaxda Dowladda Somaliya.

Sidoo kale Munaasibadda waxaa lagu soo bandhigay Heeso ka dhan ah Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha, Waxaa sidoo kale goobta laga soo buuxiyay dad la soo diyaariyay oo aflagaado iyo hanjabaad hawadda u mariyay Xildhibaano Qaran iyo Siyaasiyiin aan hubaysnayn oo fikirkooda Siyaasiga ah ku dhaliilsan Dowladda.

Munaasibadan ayaa waxaa ku baxay Qarash farabadan oo Dowladdu ay ku abuuri kartay Fursado kale oo wax loogu qaban karo Shacabka, iyadoo ay si toos ah Munaasibaddu uga baxaysay Telefeshinadda UNIVERSAL iyo SNTV, iyadoona ay tabinaysay Shirkad qaabilsan Sattelite-ka oo lacag badan ku qaadatay tabintaas tooska ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.