Al-shabab oo sheegay in Sarkaal ka tirsan Milatariga ay ku dileen Jidgooyo ay u galeen Shabeelaha Dhexe.

0

Kooxda Al-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar saaka ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarkaas ayey Al-shabaab ku sheegtay in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan guutada 19aad ,kana ahaa Taliyaha Ururka 2aad.

Sarkaalka la dilay ayeey Al-shabaab magaciisa ku sheegeen Gaashaanle dhexe Maxamed Raage,waxaana ay xuseen in Gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo uu saarnaa ay ku dileen.

Sidoo kale Al-shabab ayaa sheegtay in dagaal kooban kaddib ay halkaas ku dileen Askartii saarneyd Gaariga Gaashaanllaha,waxaan ay xuseen in ay furteen Qoriga saarnaa Gaariga, iyaga oo gaariga uga tagay cillad ka soo gaartay dagaalka socday.

Waddada Xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku  badanayay weerarrada ay geysanayaan Al-shabaab waxaana dhamaadkii Bishan weerar ka dhacay Waddadaas lagu dilay labo ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.