Wasiiru dowlihii 3aad oo iska casilay Golaha Wasiirada Hirshabeelle

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabelle Yuusuf Cali Cilmi ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu Arbacadii la soo dhaafay u magacaabay Madaxweyne Waare.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyay ayuu ku sheegay in xilka loo magacaabay uu arrimo shaqsi awgeed isaga casilay

“Waxaan iska casilay xilka Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle arrimo shaqsi awgeed”ayuu yiri  Yuusuf Cali Cilmi.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale is casilay illaa labo Wasiiru dowle oo kala ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Hirshabeelle iyo Wasiiru dowlaha Amniga iyo Dhaqan Celinta, iyagoo is casilaadooda ku sababeeyay in aanay ku qanacsaneyn xilkooda

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 57 xubnood oo ka kooban Golihiisa Wasiirada, Wasaaradaha uu soo dhisay Madaxweyne Waare waxaan ku jirin Wasaaradda Haweenka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.