Saraakiil Ka Tirsan Shabaab Oo Lagu Arkay G/Gedo Iyo Diyaarada Dagaal Oo Dul Heehaabaya

0

Diyaarado Dagaal oo ku duulaya Joog hoose ayaa lagu arkay Qaybo ka mida Gobalka Gedo, kadib markii ay halkaasi gaareen Maleeshiyaad iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Alshabaab.

HornAfrik ayaa ogaatay in Gobalka Gedo ay hadda ku sugan yihiin Saraakiisha ugu saraysa Kooxda Alshabaab, kuwaasoo wata Maleeshiyaad farabadan, Waxayna ku sugan yihiin Tuulooyin hoos tagga Garbahaareey.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo lagu arkay Saraakiisha ugu sareeya Al-Shabaab, taas oo keentay in Diyaaradaha ay halkaasi tagaan, Waxaana ay Kooxda Alshabaab xir xireen Dad dhowr ah oo ay uga shakiyeen howlo basaasnimo ah.

Weli lama shaacin duqeymo ay diyaaradahaas fuliyeen, balse dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay casbi soo wajahday, maadaama Diyaaraduhu laga yaabo in ay duqeyn geystaan.

Xaalada tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ayaa Maanta ah mid kacsan,iyada oo dhaq dhaqaqyo ciidan laga dareemayo halkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.