Xog: Saxiixa Mooshin ka dhan ah Madaxwayne Farmaajo oo maraya gabagabo+Akhriso Faah Faahin

0

Waxaa maalmihii la soo dhaafay isa soo taraya guux ku aadan Mooshin laga diyaarinayo Madaxda sare ee dowladda, iyadoo ololaha iyo diyaar garowga mooshinka oo markii hore ku bilowday si hoose, waxaa uu haatan u muuqdaa mid banaanka u soo bixi rabo.

Mooshinkan ayaa la sheegayaa inuu ka dhan yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ololihiisa la sheegayaa inuu isugu jiro dhowr waji oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin lagu tiriyo inay ku dhow yihiin Imaaraadka Carabta.

Dhaq dhaqaayqada siyaasadeed ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay, kaddib markii magaalada dib ugu soo laabteen Xildhibaano fara badan oo ku maqnaa dibadda, waxaana arrintan ay keentay dareen xoog leh.

Ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan Rag Xildhibaano ah ayaa u xaqiijiyay HornAfrik jiritaanka iyo diyaar garowga mooshinka, hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen inay xilligan ka hor-dhacaan.

Wararka ayaa sheegaya in mooshinka hada la diyaarinayo ay ku jiraan qodobo culus, waxaana suuqa soo galay qabyo qoraal ku saabsan qodobada loo cuskanayo mooshinka.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay uu jiray is xulufeysi Xildhibaanada qaar iyo rag siyaasiyiin ah, kuwaasoo ka arrinsanayay socod-siinta mooshinka iyo sidii lagu dardargelin lahaa.

Xildhibaano ayaa la sheegay inay saxiixeen mooshinkan, inkastoo aanu heyn tiro rasmi ah, Xildhibaano dhowr ah oo aan la hadalnay ay inoo xaqiijiyeen in illaa 50-meeyo uu marayo saxiixa.

HornAfrik ayaa ogaatay in Mooshinkaasi halkii saxiix lagu bixinayo Lacag dhan $5,000 (Shan Kun Doolar), taasoo ka dhigaysa Mooshinka mid deg deg u howl gala, Waxayna Xildhibaanaddu billaabeen inay u kala dhuuntaan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda Mooshinkan wada si ay qayb uga noqdaan Saxiixa Mooshinka Xil ka qaadista Madaxwayne Farmaajo.

Sida uu qabo dastuurka Mooshin ama Imbeachment laga keeno Madaxweynaha ayaa u baahan inay marka hore saxiixaan illaa 92 Xildhibaan, Waxaana muuqanaysa in hadda Tiradaasi la heli karo marka loo eego sida ay Xildhibaanaddu ugu kala cararayaan inay Saxiixaan Mooshinkaasi oo Dhaqaale la socdo.

Si kastaba ha ahaatee hadii mooshinkan dhab ahaanshihiisa banaanka u soo baxo waxaa uu noqonaya mid xaalada siyaasadeed ee dalka wax ka bedelo, isla markaana uu dalku galo qalalaase siyaasadeed.

inta la og yahay Soomaaliya Dowladihii Rayidka ahaa ee isaga dambeeyay Dalka waxay dhamaysteen intooda badan si sharci ah Waqtigooda, marka laga reebo C/rashiid Cali Sharmaake oo la dilay, iyo C/laahi Yuusuf oo is casilay, halka Madaxwaynihii Milatariga ahaana ee Maxamad Siyaad Barre ay afgambiyeen Jabhado Hubaysan, Waxayna tani haddii ay suuragasho ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Soomaaliyeed oo la doortay isagoo aan waqtigiisa dhamaysan laga qaado Xilka si Sharci ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.