Dhageyso:-Muqtaar Rooboow Oo Gaaray Baydhabo, Lana Kulmi Doona Shariif Xasan

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta lagu soo dhaweeyay Wadaadka Sheekh Muqtaar rooboow Cali Abuu Mansuur oo 13,kii Bishii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa waxa ku wehliya wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi Rashiid Cabdullaahi Maxamed,waxana Baydhabo ku soo dhaweeyay, Wasiiro, Xildhibaano,Odayaasha Dhaqanka, Maamul Gobolka Iyo Degmada Baydhabo iyo Dadweyne fara badan.

Muqtaar Rooboow ayaa hadal kooban uu siiyay Warbaahinta waxa uu sheegay in inta uu joogo Baydhabo uu la kulmi doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta kale iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkan ka Daawo Hadal Kooban oo uu Saxaafadda siiyay Muqtaar Rooboow.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.