Al-Shabaab oo weeraray Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

0

Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha oo ka soo ambabaxay Beledweyn uu ku sii jeeday degmada Maxaas, iyadoo intii wadada ku sii jireen lagu qaaday weerar hubeysan.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamadii galbinayay kolonyada Guddoomiyaha ayaa dhex martay, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare kala duwan.

Mas’uuliyiin ayaa sheegay inuu badqabo Guddoomiyaha, isla markaana Al-Shabaabkii soo weeraray ay u geysteen khasaare kala duwan, ayna ka dileen afar ka mid ah kooxihii soo weeraray, halka tiro kale ka dhaawaceen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhankooda warar ay ku soo qoreen baraha Internet-ka ee taageera ku sheegay in weerarkaas dhabagalka ku dileen saddex askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana maalmo ka hor weerar ku qaadeen deegaan u dhow degmada Beledweyne.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.