(Akhriso Qodobada) Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Gaaray Heshiis

0

Sida uu sheegay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) waxay Galmudug iyo Ahlu Sunna ay is faham ka gaareen wada hadalada uga soconaya dalka Jabuuti.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay isu afgarteen dhawr qodob, kuwaa oo sida uu sheegay dhawaan la soo bandhigi doono.

Qodobada ay isku afgarteen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah

1:- In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug
2:- In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug
3:- In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug
4:- In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug

5- In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.

Madaxda Ahlu Sunna iyo Galmudug, ayaa maalmahaanba dalka Jabuuti u joogay, sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen taas oo keentay in ay heshiiskaan gaaraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.