Guri Muqdisho Looga Heystay Madaxweyne C/Laahi Yusuf Oo Dib Loogu Celiyey Xaaskiisii iyo Caruurtiisa.

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in uu dib ugu soo celiyo Dhul uu lahaa allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed Caruurtiisa Dhulkaas oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo in muddo ah laga haystay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah aan laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday Gudoomiyaha in aan loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci aheyn ku heysto lagana qaadi doono.

Goobta ay wareejinta ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Maamulka Degmada Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf, iyo Bulshada Degmada kuwaas oo si wanaagasan u soo wada dhaweeyay talaabadani.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xalane oo goobta Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in tani ay keeni kartaa in wax allaala iyo wixii tashwiish ah ay baxaan isla markaana ay muujineyso in Xamar la wada leeyahay.

Dhanka kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad,ayaa isna dhnkiisa sheegay in halkan ay tahay Caasimadda Ummadda Soomaaliyed hadii ay caafimaadana dalka oo dhn uu Caafimaadayo,hadii ay jiratana dalka oo dhan uu jiranyo sidaas daaradeedna Maanta ay tahay wax wanaagsan in Qoyskii Cabdullaahi Yuusuf lagu wareejiyo gurigooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.