Diyaarad Siday Muqtaar Rooboow Oo Goordhow Gaartay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray Wadaadka Sheekh Muqtaar rooboow Cali abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay.

Muqtaar Rooboow ayaa waayadan ku sugnaa Muqdisho,waxaana Safarkiisa ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Wefdiga ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool,waxaana weli la ogeyn Safarkaan uu muqtaar rooboow uu halkaasi u tegay oo aan horay loo sii shaacin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.