Xog: UN Monitoring Group oo baaraysa Liiska Xildhibaanada Xisbiga Nabad iyo Nolol

0

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay HornAfrik ayaa sheegay in Kooxda Dabagalka Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group ay baarayso liiska dhowaan la faafiyey ee Xildhibaanada ka midka ah Xisbiga Nabad Nolol.

Ilo Diblomaasiyadeed ayaa u xaqiijiyey HornAfrik in mid ka mid dawladaha Galbeedka ka codsatay Monitoring Group in ay baarto hantida Dawlada ee loo adeegsanayo laaluush iyo qandaraas lagu naas nuujinayo Xildhibaano gaar ah oo taageero u ah Xisbiga Nabad iyo Nolol.

Dawlada ayaa ka shaki qabta in Xildhibaanada loo adeegsado meel marin sharciyo ay ka mid yihiin sharciga Batroolka oo la rabo in Soma Oil lagu siiyo 12 Ceel Shidaal oo Badda ku yaala.

Xasan Cali Kheyre ayey kooxda UN-ka ee Monitoring Group ku eedeeyeen in uu musuqmaasuq baahsan ku lug lahaa xiligii uu ayaa Gudoomiyaha Shirkada Som Oil ee Bariga Afrika.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.