Xog: Hogaamiyaha Daacish ee lagu Dilay Duqayntii ugu dambaysay oo La Aqoonsaday Magaciisa.

0

Duqayn ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka Isniintii ayeey Gantaalo kula beegsadeen Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee Somalia. iyadoona la xaqiijiyay in lagu dilay Duqayntaasi Horjooge ka tirsanaa Kooxdaasi.

HornAfrik ayaa ogaatay in Horjoogaha lagu dilay Duqayntaasi in lagu magacaabo C/casiis Guure oo u qaabilsanaa Kooxdaasi dhinaca Sahayda. Waxaana ay Saraakiil Sirdoon u xaqiijiyeen HornAfrik in Bartilmaameedku uu ahaa Sarkaalkaas oo la aaminsan yahay inuu halis ku ahaa Ammaanka Gobalka.

Kooxda Daacishta Soomaaliya ayaa ku eg Deegaanadda Puntland, waxaana u diiday Koonfurta Soomaaliya inay dhaq dhaqaaq ku yeelato Kooxda Alshabaab, Waxayna Daacish lagu tilmaamaa inay tahay Koox ka arxan daran Alqaacidda.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.