Carrabeey: “aniga iyo Xaaf waa heshiinnay”

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay heshiis ka gaareen khilaafkii Siyaasadeed ee u dhaxeeyay labadooda iyo guud ahaan hoggaanka sare ee Galmudug.

Xaaf iyo Carrabeey waxaa ay Jabuuti uga qeybgelayaan Shirka Ahlu Sunna iyo Galmudug,kaas oo shalay ka furmay Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay bishii August is khilaafeen ku xigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, waxaan arrintaas dhalisay in qolaba dhinaceeda u sheegto in ay xilka ka qaadday qolada kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay isaguna in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya Madaxda Galmudug, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in uu taageerayo wixii ka soo baxa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.