Sawirro:-Wadahadalada Ahlusuna Iyo Galmudug Oo Furmay Iyo Ahlusuna Oo Shuruudo Adag Soo Bandhigtay

0

Caasimadda dalka Jabuuti ee Djbuuti waxaa Maanta ka furmay wadahadalo u dhaxeeya madaxda Maamulada Galmudug iyo kan Gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Wadahdala halka uu ka socdo waxaa ku sugan wufuud ka kala socota labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusuna iyo sidoo kale Ganacsato Reer Galmudug ah oo horay ugu sugnaa dalkaasi Jabuuti.

Wahadaladaan ayaa waxaa Garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD,iyada oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Qodobada ugu waaeyn ee shirkaasi looga hadlayo ayaa ah sidii Ahlusuna ay ugu biiri laheyd Maamulka Galmudug maadaama ay gacanta ku heyso dhul farabadan oo ka mid ah kuwa Gobolada Dhexe.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ee Ahlusuna iyo Galmudug ayaa haatan sitoos ah u wada hadlaya, Waxaana jira Shuruudo adag oo ay kala wataan.

Madaxweynaha Maamulka gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wata shuruudo adag oo ku saabsan hanaanka awood qeysbiga maamulka Galmudug laga siinayo Ahlusuna,taas oo keeni karta in qodobada qaar la isku fahmi waayo.

Ka Qayb Galayaasha Wadahadala
Ka Qayb Galayaasha Wadahadala
Wadahadaladda Ahlusunna Iyo Galmudug
Wadahadaladda Ahlusunna Iyo Galmudug
Xaaf Iyo Sh Shaakir
Xaaf Iyo Sh Shaakir

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.