Maraykanka Oo Sheegay Inay Maanta Duqayn Ka Fuliyeen Somalia.

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Diyaaradahooda aan Duuliyaha lahayn ay Duqeeyeen Deegaano ka tirsan Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ciidamadda Maraykanka waxay sheegeen in Howlgalkaasi oo ay ku gacan siisay Dowladda Somalia ay ku dileen Mid ka mida Maleeshiyaadka Koox Argagixiso ah, Waxayna sheegeen inay bartilmaameedsadeen Saldhig ay leeyihin Daacish-ta Soomaaliya.

Maraykanka waxa uu sheegay inay go’antahay Dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda oo ay beegsanayaan Xeryahooda Tababaradda, Saldhiyadda Qarsoodiga ah iyo goob kasta oo ay ku dhuumalaysanayaan. Waxayna sheegeen inay sii wadayaan wax kasta oo suuragal ka dhigaya inay difaacaan Danaha Muwaadiniinta Maraykanka, iyagoo gacan ka helaya Dowlada Somalia iyo AMISOM.

Maraykanka ayaa muddooyinkan kordhiyay Duqaymaha uu ka fulinayo Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.